Heesta Joog iyo fadhiba nacay - Lyrics
Hadde jabay goortaad jeegaanka fuushoo
Jibataye iyo taahana markaasana
Ujaaree
Sida uma jalaabeen
Hadaan nabad ujiifeee
Joog iyo fadhiba nacay
Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee
Sida jinicda howdkoo
Jirku uu biyaha dhigay
Ooy xareedu jawalkiyo galacleda jiixda
Jeedaaris bey dilay lajalbeeb tankeedee
Joog iyo fadhi nacay
Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee
Jaceyl maaha dheel dheel
Hadaad jimicsi moodee
Jaleecadiyo muuqaa
Jaahaada deeqee
Sida johoorad nuurkeed
Halacsigaa ijiitee
Joog iyo fadhiba nacay
Joog iyo fadhiba nacay
Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee