VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhalandhool - Lyrics

Jacayl la ii dhiteeyay Dhibaatada adduunyada Dhalandhool lameyraday Gelin dhexe habeenkii Dhaxantoo dhacaysaa Dhoolraadiyee meey yiri Anoo saan u dhowraba Hadba dhinac ufiirshaba Waagii dhag ma ii yiri Sida dhaan lasugayaa Dadku dhawrayaanoo Dhallaan lagu sasabayaa Macaan adi kaa dhursugayaa Dhaayahaa kuddoonoo Dhagahaa ku maqal suga Qalbigaad ku dheertahay Dhabtii caashaqaagii Dhiigguu dhex qaadoo Dhuuxuu u daadagay Dhuunigiina iga jaray Dhanqalan ayaan ahay Sidan ha igu dhowranee Sida dhaan lasugayaa Dadku dhawrayaanoo Dhallaan lagu sasabayaa Macaan adi kaa dhursugayaa
Queue is empty
-- / --