A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Gedo Lyrics

inanyahay gobaad tahay
gaari loo xushaad tahay
gayaan qurux u dhalatay

hablaha gayaankee
midi ugu horaysaye
aan gocloodaybad tahay

gayigoo barwaaqa ah
dhulku uu ugbaad yahay
gedo yaa ku geeya
garbahaaray qarniyeey

guurbaad mudantee helehele
gacal aan u yeedhnee helehele
loo geed fadhiistee helehele
gacantaada ii dhiib qarniyeey

galab roob ku hooroo
galac yidhi hilaacoo
gal xareeda iyo doog
dadku gaajo aragoo
geelu wada irmaanyoo
hablo gaawe culayaan

gees waliba nimcadu taal
gobaadeey iiga dhigantee

Queue is empty
-- / --