VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Idil - Lyrics

Idil hanaan qurux wanaageey Hablaha taan ka aaminaay Howraarsan adiga weeyaan Cidnaa ha igu halleyn Hadal waxaan ujeclahay Iyo hanti aan heloo Hubaal adiga weeyaaan Halbowlahaad ku abuurantahoo Wadnahaad hoy kuleedahay Waan kuu hiloobee Hiiddiyeey ma ii hilowdee Jacaylkii qeys haleelaa Anigana i helayoo Hurda seexan waayee Huggoonka caashaqa Waan kuu hilloobee Ma ii hillowdeeee Sida hala dhalay irmaanoo Ubadkii hooy uga tagtayoo Hadbaan kuu olalayaaye Iggaroo kuu harraadanee Ama dalsan roob helay Oo loo hayaamoo Umaddaa u hiranaysee Geed harac leh aanoo Jiif ku habboon Aan xanuun i haynbaa Holac iga baxayaa Waan kuu hilloobee Ma ii hilowdeee Jacaylkii qeys haleelaa Anigana i helayoo Ka seexan waayee Huggoonka caashaqa Waan kuu hilloobee Ma ii hilowdeee
Queue is empty
-- / --