markay qarankii dunsheen
qudhoodii markay jareen
dadkooda markay qaxsheen
miyaa qayrkoodii ka tageen

markay qalad aamineen
wanaaga markay qarsheen
markaan is qadarin is helin
miyaa qiimahoodii lumay

waayadan wada qaawanoo
dunida qarafaysatee
qabkii nagu buuxay iyo
qabiilkii muxuu na taray
waxba nama tarin qabiil

markay qolo qolo noqdeen
qabyaalad markay barteen
qaxooti markay galeen
miyaa lagu quudhsadaa

quraankii markay naceen
markay kala qaybsadeen
markay qaafiliin noqdeen
miyay quwadii lunsheen

Exit mobile version