dawadii naftaydaay
dadka taan ka doortaay
saw inaan ku daawado
dal dheer ugama tagin
dumar haygu noqonin
sidaan kaaga daba dhacay
waa inaad ii daryeeshaa
waan kaa dambeeyaayoo
door waxaan idhaahdaa
duli lama amaanee
dahab weeyi gabadhuye
malagiii ku dili iyo
sidaan ahay dabaylaha
dadka kala dhantaalaa
ii diiday hadalkee
inaad daah i saartaayoo
kalidaa dakaysaa
waxaad damacday maahee
miyaa la igu kaa diray

kuwa nala da,daaduna
way is doonanaayaan
inaguna duleediyo
darbiyaan wareegnaa
doqoniimana weeyaan
inaan kala diboolaa
adigaan da,daadiyo
kaa daawanaayoo
damqashada jidhkaygiyo
siduu caashaq ii dilay
ala daa,in weeyee
saaw kuuma soo dago
waan kaa dambeeyaayo
door waxaan i dhaahdaa
duli lama amaanee
dahab weeye gabadhuye
inaad daah i saartaayoo
kalidaa dakaysaa
waxaad damacday maahee
miyaa la igu kaa diray

Exit mobile version