Cilmibaa wax lagu haggaayoo
Adduun lagu hoggaanshaa
Loo hibeeyey noolahoo
Hindisaha gargaaroo
Garashada hodmaayoo
Lagu kala horeeyaa,
Waa hillinka gaajadaa
Haraad looga baxayoo
Hanti lagu tabcanayoo
Halkii aanu eegnaba
Hareerahuu ka yaalaa (11).

Waa inaynu hannanaa
Oo aan hirgalinaa
Higsanaa aqoontoo
Marna aan ka harinoo
Hadaf aan ka dhiganaa.

Waxaa loo haminayaa
Oo loo hanwayn yahay
Loo wadda halgamayaa
Intaa heegan loo yahay
Tartan loo holinayaa
Hannaqaadka fahankoo,
Iftiinkaa la haybsaday
Hawadaa aqoontii
Maantay laga hagaayoo
Waa sahan horseedoo
Loo huray naf iyo maal (11).

Exit mobile version