Khadraay waxaan kulahaa
aduun baa ila qumanee
dadkaba ila hufanee

Naftii kugu qanacsatay
jaceyl qooraansigeed

Qalibaga kama goyn qudhadee
kama goyn qudhaadee

Jeedaaleey kugu qabtaa
farxadii qiilkeey laheyd
ayaan ayaan
ayaan quuldareynaya

Intaan kuu qabo marwoow
hadaad qiimeyn laheyd
waxbaad ila qaban laheyd

Khadraay waxa kulahaa
adaa qeyrkaa u wacan
hablaha qalanjaad u tahay

Hidaha quruxdii ahayd
qoortiyo farahay ku taal

Wajiga iyo labada qaar
iyo labada qaar

Afkuna waa qalin madow
dadkana iigama qaldanid
sibaad qaali iigu tahay

Intaan kuu qabo marwoow
hadaad qiimeyn laheyd
waxbaad ila qaban laheyd

Exit mobile version