dumarkaba sidooda
inta inan ilwaad wacan
daa'in u dhameeyee
dacaladana hargaysana
dariiqaad ka laabataba
daymadoodu badantay

ma daneeyo aniguye
daahbaa la iga saaro
amuunbaa ka doortoo
darenkay i galisaa
dawadayda noqotee

aadmigu sidiisaba
inta diradiraale ah
kala dila dadka is jecel

ayaa doorka maanta ah
dunidaba ku badane
dabnahaaga ha u furin

Exit mobile version