A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Aroos Lyrics

mataanaha naf qaybsiga
ku midoobay noloshee
naxariis ku wada jira
naxdin iyo allahayoow
waxyeelada ka nacadgali

nasrigiyo labadaa samo
nasiibkay dhursugayeeen
guusha naawileen helay
noqda nolosha aayaha

diradiraaha naadiya
naxligiyo dhibaatadu
yaan dhexdiina nacabiyo
naar afuufku soo galin

mataanaha nafqaybsiga
ku midoobay noloshee
naxariis ku wada jira
naxdin iyo allahayoow
waxyeelada ka nabad gali
aamiiin

guri nabad iyo hoy
farxad lagu nastoo daga
ku nagaada abidee
ku xasila naq iyo doogee

allaw nuurka guurkiyo
awlaad taran nabdooniyo
nimcada iyo barwaaqada
lib natiija uga yeel

mataanaha naf qaybsiga
ku midoobay noloshee
naxariis ku wada jira
naxdin iyo allahayoow
waxyeelada ka nabad gali
aamiiin

axmeedoow naruuriyo
kalgacal nasteexaa
ooridaada niyadsami
nuuji waa sadkeedee

adna hoodaay nudubtiyo
naafada ka dhawroo
saygaaga nabaradu
yay nuglayn dhibaatadu

mataanaha naf qaybsiga
ku midoobay noloshee
naxariis ku wada jira
naxdin iyo allaahayow
waxyeelada ka nabad gali
aamiin

Queue is empty
-- / --