illaahbaa mahada lee
Asmaay anigoo jiraban
waliba umal caashaq qaba
markaan kula aqal galaa
uurkiyo qalpiguba nastee
ayaankiyo hoodaduu
is dheeryahay aadmiguye
sidii arligu roobku helay
midaan ku ildoogsadaay
naftaa kugu oon baxdee
nooloow ooridaydaay

illaahbaa mahada lee
asmaay ubad khayr qaboo
asmaay inamiyo habloba
anfaca diintiyo arliga
asmaay aynigaa hablaha
adaa edeb iyo xishood
aqoon iyo quruxba dheer
sidii arli roobku helay
midaan ku ildoogsadaay
naftaa kugu oon baxdee
nooloow ooridaydaay

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version