saw adigu bilaneey
imaad barin lahasho
beerkiyo wadnahana
kuma beerin caashaq
bas anoo u liitoo
cishqi igu balaadhoo
saw igumaad banaynoo
barbarkaygu kuma tabo
waa bixiso duniduye
markii aad baqooshee
balad kale u dhooftaa
muu badan lurkiisii

xiisihii barashee
qabay baahidaadoo
markaad baanan waydaa
caku baylah muu noqon
inta aan ku baafshee
ku baxnaanshay adigaa
saw maan bogseedeen
dadka baal ka raaceen
waa bixiso duniduye
markii aad baqooshee
balad kale u dhooftaa
muu badan lurkiisii

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version