laaabtaan hileen
ka lingaxay haween
waadigan lulee
leebkii kalgacal
ka liilijiyee
wadnihii ka ligay
hadaa tahay lilaah
libtu way dhawdee
lubigiyo adaan
laga kuu furee
lugooyada ka dhawr
xiisaha igu ligan
kuu loogayoo
waa lamaanee
caashaqa ha lumin

laabtaan hileen
looyaan jacayl
lurkii uu i baday
ladi waayaybaa
ladan taabatoo
waa kaa lalabee
laamaha sariyo
laxaha ila koray
waa laba jibaar
jacaylka ilagdee
miyaan laabmayaa
xiisaha igu ligan
kuu loogayoo
waa lamaanahee
caashaqa ha lumin

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version