Curdin weeyi weeyi uguboo
Waa cadceeda subaxiyo
Cirka mayey hilaaciyoo
Dayaxiyo cir jiidhoo
Cuganayoo muudkoo
ubadkuna ciyaaraha
cadaloolka dheeshiyo
jimidh iyo inoocuga
inaganu cawayska
sida loo ciseeyaan
cawoy kuugu jeelnahee
heedhe waan cadibanahee
caashaqa iladaadihi
calankiisu yuu dhicin
cadho iyo xumaatiyo
arkimaysid ciiloo
waad caleemo saarnaa
waa curab dhalaano
caqli lagu manaystoo
cilmi iyo quraaniyo
camalsami ku ababtoo
waalidkeed ka cabanoo
ana waan ciseeyaa
waan caleemo saaraa
canaantaan ka dhowraa
cilad iyo calool xumo

cawo iyo ayaaney
cadradii aan jeclaaday
miduu dookhu ii cugay
calafkuna isiiyaay
nasrigaan ku ciidnaa
cududay qaybey
caadilbaan ku mahadshaa
caashaqa dhexdeenee
cimrigaagu dheeraa
ifka cisi ku noolow
cibaadada ilaahay
iyadana ku caan noqo
aakhiro cadaabtiyo
ka xorow naartoo
cadho iyo xumaaniyo
arkimaysid ciiloo
waad caleemo saarnaa
waa curab dhalaano
caqli lagu manaystoo
cilmi iyo quraaniyo
camalsami ku ababtoo
waalidkeed ka cabanoo
ana waan ciseeyaa
waan caleemo saaraa
canaantaan ka dhowraa
cilad iyo calool xumo

Exit mobile version