Heesta Cudoon - Lyrics
sideedaba cudooneey
casar kaan is baraniyo
caawadan aan joognaba
caqligaad cajabisoo
waxaa tahay cir hooriyo
ubax caynba caynoo
cidhifyada hareeraha
cadceedii ka haysoo
carfigiisa udugana
naftu ay ku ciidee
hadaan ceerigaabiyo
ama caabudwaaq tago
cindigaygu kuma jaro
caqligaygu kuma tiro
calafkuna aduu helay
waana caadil mahadiiye
sideedaba cudooneey
caqligaaga wacaniyo
samirkiyo cibaadada
adigaa ku caanoo
sinaan caadil jecelo
cidii aad la jaar tahay
sharaf kuu cadeeyeen
ana kuu caloolsami
rabi ceebta kaa dhawr
oo ciilna kuma bado
hadaan ceerigaabiyo
ama caabud waaq tago
cindigaygu kuma tiro
caqligaygu kuma jaro
calafkuna aduu helay
waana caadil mahadii
Lyrics by Ismacil Ahmed