inaad dabci fiican tahay
dushaaday ka muuqataa
hadaanad dulqaad lahayn
jacaylku kumuu dageen
dunida cadaw buu ku yahay
dadkuu nabi aadam dhalay
illaah baa daryeelayee
dagaal buu kula jiraa
damo qabuu leeyahee
damiirkaagana ha xidhin
damo qabo ala wuu leeyahee
dadaaloo diin ku dhawr
damo qabo ala wuu leeyahee
difaac weeyee u daa

hadii dayaxba la waayo
xidigaha waa lagu gudaa
dookhuna haduu hungoobo
dawada lama waayayee
dahaboo dadabteena keen
dabiib bay inoo tahee
damaashaad aan dhignee
daalkuba ha inaga hadhee
damo qabuu leeyahee
damiirkaagana ha xidhin
damo qabo ala wuu leeyahee
dadaaloo diin ku dhawr
damo qabo ala wuu leeyahee
difaac weeyee u daa

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version