VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dar alee - Lyrics

Adigaa dadnimadiyoo Daadiyoo xishood badan Daa'im kugu mannaystay Haween door ka noqotayee Ha dekaamin waligaa Wax kuzoo durreeyiyo Ama diiq ku galiyaba Waxaa diida abidkaa Kaa dayran waayuhu Dadna aabahaa iyo Hooyoo dabacsan kuu noqoy Anigana i deeqdoo Dushaan kugu sitaayoo Kugu daali maayee Dar allee adaa Waxba diidaneeyn Daruuraha cirkiyo Dunidaba dhammaan Ila soo dawaaf Dumarada dar baa jira Nasiibkooda daacoo Dhowr dabar la'aan dhacay Intaan ugu dow galo Waqtiguna dulleeyoo Duubka sare iyo diirkaba Diifta aad ka garataa Adiguna degmooy maad Maad degin halkaasoo Naf ku doonayso unbaa Kugu doogsatee garo Anigana i deeqdoo Dushaan kugu sitaayoo Kugu daali maayee Dar allee adaa Waxba diidaneeyn Daruuraha cirkiyo Dunidaba dhammaan Ila soo dawaaf
Queue is empty
-- / --