Adigaa dadnimadiyoo
Daadiyoo xishood badan
Daa’im kugu mannaystay
Haween door ka noqotayee
Ha dekaamin waligaa
Wax kuzoo durreeyiyo
Ama diiq ku galiyaba
Waxaa diida abidkaa
Kaa dayran waayuhu
Dadna aabahaa iyo
Hooyoo dabacsan kuu noqoy

Anigana i deeqdoo
Dushaan kugu sitaayoo
Kugu daali maayee
Dar allee adaa
Waxba diidaneeyn
Daruuraha cirkiyo
Dunidaba dhammaan
Ila soo dawaaf

Dumarada dar baa jira
Nasiibkooda daacoo
Dhowr dabar la’aan dhacay
Intaan ugu dow galo
Waqtiguna dulleeyoo
Duubka sare iyo diirkaba
Diifta aad ka garataa
Adiguna degmooy maad
Maad degin halkaasoo
Naf ku doonayso unbaa
Kugu doogsatee garo

Anigana i deeqdoo
Dushaan kugu sitaayoo
Kugu daali maayee
Dar allee adaa
Waxba diidaneeyn
Daruuraha cirkiyo
Dunidaba dhammaan
Ila soo dawaaf

Exit mobile version