Dhado roob noqon wayday
Dhulka doojini wayday
Dheeman maaha naxaastuye
Dhirtii oon tiri wayday

Meel fog dhool ka hilaacay
Dhaanka looma raraysto
Waxaan dhaayaha deeqin
Dhiilka looma hogaysto
Dhalan waano ma maydho

Halka dhaawucu gaadhay
Hadii aad dhayi waydo
Dhibtu kaama yaraato

Dirge dirge dirge hoobalowa
Dirge hoobolooea dhaayahaygaay

Jacayl dhuuxa ku taabtay
Ku dheeraday naftaada
Dhayal kaagama guuro

Dhacdadii aduunka
Hadii aad dhugan waydo
Wixii aad dhacashaaba
Dhabano hays weeyaane

Ha dhakoolin naftaydaay
Dhalanteed run ha moodin
Af dhabaandhabna waa been
Waxba ha u dhag taagin
Dhawankaaga ha liidin

Exit mobile version