Dantu waa is fahankee
farxiyaay jacaylkii
farxadaan ku korinayee
sawdigan fudaydsaday
fidme wade ku duufsadaa
ina kala fogeeyee
fajac nolosha galiyoo
filan waagan igu dhacay
furihii kalgacalkaay
feedhaydii bidixeey
ficil gali naftaydoo
fursad yaan lagaa helin

adigaan facaagiyo
filkaa kaa dhex doortee
ma filaynin garashadu
inaan kala fogaanee
axdigii is fahankiyo
wacadkii ha fududayn
adnna farax ku naawilo
guurkeena oo fulay

Lyrics by: Ismacil Ahmed

Exit mobile version