VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gob jacayl - Lyrics

gabadhyay ma garbaa geedkii jacaylka gacalooy ma garbaa inaad gaagixiso jacaylkan garabkiyo gaashaanka u ahaa jacaylkan gogashaa gibishiisa ahaa jacaylkaan gundhigiyo gundhigiisa ahaa ma inaad ka guurtoo iska gabi dhaclaysaa aynu gacaladaydaay gobta caashaq noqonee hoo gorofka dookhoo geestaada ila qabo gaariyeey ma garbaa geedkii jacaylkee gacalooy ma garbaa inaad gudin u qaado jacaylkaan gaadhkiyo gurmadkiisa ahaa jacaylkaan gurgurshaa gaadiidkiisa ahaa jacaylkan gabadhyay goonyaha ka taagnayn ma inaad gumaysoo hadba gabi dhaclaysaa aynu gacaladaydaay gobta caashaq noqonee hoo gorofka dookhoo geestaada ila qabo Lyrics by : Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --