Ikraaneey haweenkiyo
Hablaha dunida joogaad
Ugu haybad wayntahoo
Hubaalweeye taasiyoo
Mowliidna waad heshee
Hilaac guurkiinu
Hambalyaysay bulshadu
Waxay lahortaagan yihiin
Hadeer 3x idiinku ducaynaysaa
Habliyo wiilashaad dhashaan
Dad hanaqaadoo anfaca
Bulshada diintiyo dadkaba
Haa idiinka dhigo ilaahay
……………………………………….
Yurub geenyo.
Mowliid waa hubaal
Inuu yahay halyay kuhana kara
Oo Hidihiisuna yahay hilaac
Iyo laan hareeriya
Hooya wacan jawaahir
Hidahay dhashiyoooo
Halyay guri dambays yahay
Hammi 2x iyoo galgacal looqabo
Habliyo wiilashaad dhashaan
Dad hanaqaadoo anfaca
Hadhow diintiyo dalkaba
Haydiinka dhigo ilaahay

ABDI HANI
Heey heey heey
Heley Hidihiyo dhaqankeenii
Heley reemuxumed geediyeey
Heley sahriyo dirkeediiyeey
Dhamaan reer jaamacoo idileey
Heley ducay idiin hibeeyeeneey
…..
YURUB
Heey heey
Heley hablahaan ladhashiyo
Heley sacdiyiyo saynabaeey
Heleey faaduma iyo nimcooy
Heley haybadii reer muxumed
Heley farxadbay lawada gooheen
Mowliidoow hungoobi maayo
Adaan kuheloo waan kuu hanwaynahay
..
ABDI HANI
Wadnahaad hadhsataa
Ikraaneey hadaan kuwaayo
Hurdo maladoo ma gam’o awgaa

Lyrics by : Cabdi Ismacil

Exit mobile version