Heesta Jano - Lyrics
jamalka dhagtaa isoo jiito
jaleecadiiba i joojisayo
dareen jidh wataa
jidhkay ii galoo
macaan i jantoo
waan jeelanahee
adiga jirabayn
xidhiidhna jarayn
intaanan jilaa
jidiinka ka go'in
jugbaa igu maqan
jaraysa gadhkee
jaraha fahanoo
jawaabsan i sii
jawiga kalgacaylku
waa joogtaynte
jandheerta ciyaar
aan jiifka tunee
halkaad jirtaybay
naftii jabantee
soo jeedso marwoo
jaarbaynu nahee
jacayl culusbaa
jidka i dhigoo
jaahaga sanbaa
jimiimicayee
jujuumi dartaa
jiqbaan ku sigtoo
joofaha kalahoo
kusoo jirayee
adigoo jidin gooyn
jikaar i badayn
intaanan jar dheer
jaqladaa ku lu'gu in
jeexba qalbigii
janooy ku rabee
i jiidh dabacoo
soo joogso agtayda