inta innan xishoodiyo
lagu hubo xaqdhawroo
ku barbaartay xamarbaa
xidigtooda kaa dhigay
waxaa tahay xalaal dhalad
maankaygu jiro xageegee
ogobeey xiskaygiyo
xubnihiyo dareemada
adaan kaaga xero dhigay
xanaaney qalbigii
ma xasilo daraadaa
xiisihiina sii korodh
xusuutiina maan dayn

markaan dhabanka xaadiyo
timo sinaha xaabiyo
xaragiyo hubqaad dayo
dareenkaa xus igu yidhi
xilkas iyo adaa sharaf
xusul dheer haweenkoo
xeerkagu waa dhaqan
xarigaagu waa diin
ana laabta kuu xalay
xanaaney qalbigii
ma xasilo la,aantaa
xiisihiina sii korodh
xasuustiina maan dayn

Exit mobile version