ku dhaartaye dhaayahaygaay
dhagahan maqalkoodiyeey
dhab baan kuu jecelahee
inaan kuu dhimanayaa
kolay kaama dhaadhacdee
dhibaatadan meesha taal
dhabtayda ayaa ku furay
maxaa dhaawac ruuxii qabay
midkii dhaydhayi lahaa
hadana uga dhiijiyaa ax
kuu dhiibe naftaydan hoo
dhirbaaxada ha uga tudhin
ku dheel dabeetana markaa

ku dhaartaye dabiyo ollol way
cishqigu waa dhimbiilo kulul
anoo kuu dhololayaad
dhagaha ku furaysataa
kolay maba dhaadanide
hadii aan ahay dhigaa
miyaad igu dheeli lahayd
anoo aawada dhan qalan
miyaad igu dheeli lahay
maxaa dhaawac ruuxii qabay
midkii dhaydhayi lahaa
hadana uga dhiijiyaa ax
kuu dhiibe naftaydan hoo
dhirbaaxada ha uga tudhin
ku dheel dabeetana markaa

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version