Heesta Ma xadreeyo kaliga - Lyrics
xidigtii haweenkaay
xubigii naftaydaay
xuural cayntii dunidee
xulka qurux u noqotaay
xiligii aan joogaba
aniisaay xiskaagii
afku saw igama xado
aniguna xaqiiqdii
xidigaha intaan maro
ma xadreeyo kaliday
xidid dhiiga qaadoo
ku xidhan wadnahabaa
xiisahaaga tabiyoo
xawli wuxuu ku geeyaa
xero aad ku leedahay
xiskaygiyo garaadkoo
kalgacaylku xaadiro
aniguna xaqiiqdii
xidigaha intaan maro
ma xadreeyo kaligay
Lyrics by Ismacil Ahmed