macaan ha hilmaamin
ha maydhin xasuusta
magaabi jacaylkan miiray
macnaha ila fahan ujeedka
muranka isaseega keena
ka yeel moosaan jabaynin
muhiimadu waa danteena
adoon marna iga xanaaqin
maskaxda alle kugu manaystay
jacaylkiyo midho dhalkiisa
ku meel mari aayaheena

marwooy ha ilduufin
ha maagin dareenka
muunee kalgacaylkan gaaxday
ha muujin xumaato raagta
midhkuu nacab yidhi ha qaadan
maaraynta cishqigeena xooji
is moodsiisku yuu ku hodin
adoon marna iga xanaaqin
maskaxda alle kugu manaystay
jacaylkiyo midha dhalkiisa
ku meel mari aayaheena

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version