VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Qasiido xidigaha geeska mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdi hani Haashi
Qasiido xidigaha geeska

geeri baa rafiiq la
ruuxdiyo nafteenu
rasmi weeyi dhimashadu
yay ku ridan dunuubtiye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

sadaqaa ku raaciye
ruux saboola iyo daris
rixinkaaga gacan si
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

intaad raadi leedahay
rubi lacag iyo maal
aaya hoose raxan raad
yay ku ridan dunuubtiye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

inta qoom la rogayee
laga raray aduunyada
ka raarida naftiinoo
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

waa rug laga hayaamoo
ifku raasamaaliyo
raaxiyo wanaag ma leh
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

imisaa qof lagu rogay
shalay iilka lagu riday
ruuxaad nolol ku kulanteen
yay ku ridan dunuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

inta raranka jahanama
ku rafaaday aakhiro
rabiyoow hanaga dhigin
yay ku ridan duuubtuye
xaqa raaci ficilkoo
bisha sooma ramadaan

codkii Abdi hani Haashi, C/raxmaan oday, Mohamed Bk, Mohamed ciro, Mursal Muuse, Nimcaan Hilaac, Yuusuf jeego