Heesta Qurux - Lyrics
hadii qurux la saanyado
ama qaayo iyo sharaf
adaa qaarada sii dheer
qudh ahaana igu filan
oonan quudhi karayn
anaa qiray wanaagiyo
qaayaha aad leedahoo
waxaan ahay qof kuu dilan
oon ku quudhsanayn abid
adaan kugu qoray qalbiga mudanoo
yaasmiin qumaneey qudhayda hantiyee
ma qarin karoo naftayduu qasbayaa
oo miyaan qancayaa adoon i qaabilin
hadii nolol la qaybsado
sharaf la isu qaabilo
qalbiyada is aaminay
qaloocana ka jiraaan cishqiga
qoyskaasi ma dumee