taan haween ka tusmaystaay
nacab kaama tab qaado
talo kaama habawdo
guuli kaama tasawdo
tafan toof iyo baahi
midna kuuma timaado
rabi toogada xooga
taaga kaama xayuubsho
tacabkaa ma khasaaro
nafta taan ku talaalaay
cishqigaan tabinaayo
tahan maanka ku taalaan
kasoo tuujinayaaye
iga tiiri cadaawoo
jacaylkeena ha tuurin

qof macbuud u tudhaayo
rabi taashka dul saaray
cidna taano ma yeesho
aadmigaa is tabceeyoo
talamoo walbahaaree
allihii taajir ahaana
walba tiisa khilaafoo
tawbad baa u furnaate
adoo taana dayaaya
nafta taan ku talaalaay
cishqigaan tabinaayo
tahan maanka ku taalaan
kasoo tuujinayaaye
iga tiiri cadaawoo
jacaylkeena ha tuurin

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version