baxsaneey saamiyaay
dumar bilic u rooneey
burjigiisa caadhaqan
boholyawga aan kuu qabo
bisinkana intaan idhi
bixiso inaanany igu noqon
sidii kii ba,naayee
boqorkii jacaylkiyo
boodhari haleelee
bu,du dhigay xabaashaa
beryo weeye duniduye
hadba laba badhaadhoo
bayd wacan yagleeshee
aan baashaalno noloshee
barbarkaaga ila qabo

baxsaneey saamiyaay
haween taan u bogayeey
basarkiyo aqoontaad
biludtaba ku dhaaftoo
baydhbaydhka hadalkiyo
ma taqaanid buuqee
sidaan kuu bartaybaa
jacayl baaxad waynbaa
barbarkayga dagayoo
bogan waayay jiifkii
baryo weeye duniduye
hadba laba badhaadho
bayd wacan yagleeshoo
aan baashaalno noloshee
barbarkaaga ila qabo

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version