VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sareedo - Lyrics

samaha waa lagu hodmaa sareedaa laga helaa dhibtana waa lagu samraa sadkaaguna waa wax qoran sidaan ahay alaa oge qalbigan kuu saafiga ku soor adiguna kalgacal kashaadana xuma ka saar caqliga yaan saaxir iyo salada kaa doorinine sare iyo hoos wax u ogoow rabina taladaada saar habeen baad seexataa saq dhexe adoo hurdaad kusoo salashaa libaax sas iyo baqa kaaga taga hubsiimona waa sadee riyada waxaa uga socdaa sidaad moodaysa iyo saluuguba armaanu jirin iblays yuu kuu sawirin sal iyo raad waxaan lahayn sariyo hoos wax u ogoow rabina talladaada saar
Queue is empty
-- / --