VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Basra mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Basra

Beerihii afgooyiyo
buur iyo Janaaliyo
Balcad iyo ku yiil jidhin
oo wada barda ahoo
intey ubaxa bixiyeen
midhihii bislaadeen

oo baarka laamaha
inta buleygu soo dhacay
baalaha u siman yahay
oo soo bidhaamoo
barqo roobku heleybaa
bilicdoodii leedahay

Waxa ii bishaara ah
ama ii barwaaqa ah
basraay arigtidaadii
bar berkee jirtaayoon
kaa baadi goobaa

sida faras baxdooyoo
baabacada orodkiyo
aan soo noqon butaacada
oon lagu baxnaaniyo
meel baad ku yaaliyo
balidii nugaaleed
oo baaxad iyo xoog
alla buro u siiyo
aan la gaadhin boodada
oon baahi aragoo
baruur iyo lixaadlaa
bilicdiisa leedahay
waxa ii bishaara ah
ama ii barwaaqa ah
basraay arigtidaadii
bar berkee jirtaayoon
kaa baadi goobaa

Bugtadii jacaylkaa
baryahan i haysoo
wali kama bogsooninoo
waxan layga baaqaa
buuraha kor koodiyo
hawadaa banaankee
boholyowga caashaqa
arimahan la balanbalay
adaa biin karaayee
laba beer walaaloo
baryo kala maqnaayoo
waxanahay isku baahane
waxa ii bishaara ah
ama ii barwaaqa ah
basraay arigtidaadii
bar berkee jirtaayoon
kaa baadi goobaa

codkii Abdi Hassan Dige