Aah..
Damallo xarago
damallo xarago ooh
dawo iyo naruurooy
roob daruurta lulayiyo
carro dililiqeysiyoo
qorax nuur ku daartiiyo
doog iyo barwaaqooy
Deymadabaa indhahabaa
marka aan ku daawado
naftu kaama daashee
ma daashee shukriyeey
naftu kaama daashee
shukriyeey
Alloow yaa ku duulshoo
degaanada galgaliyoo
baran dacaladeediyo
laasqoray dusheediyo
durdur eyl ku geeyoo
degmo kugula aqal gala
Alloow yaa ku duulshoo
boorame dalkeeniyo
daalo aragtideediyoo
damashihii hargeysiyoo
durdur eyl ku geeyo
degmo kugula aqal gala
Aahh..
damallo xarago
damallo xarago ooh
deymada u rooneey
Daryelkii nafteydaay
dumar taan ka xulaayee
daris tuu amaneey
dooqeyga uu raacay