Anigaa dooqiyo kalgacal
waxey ii degan qalbiga
waxey deris yihiin wadnaha
Dareenkaa raacayoo
indhahu wey doonayaan
dhagahu maba diidanee
Dawgiisa qofkii gartiyo
darenkiisa kii yaqaan
dawoo hooy
dawo dawuu u yahay cishqigu
Adigaa raxmiyo wanaag
dumarka u sitee deeqaay
waxaad tahay dabiibka naftee
Waxaan kula doonayaa
dugsiye inaan noqdoo
dabaylaha ka ceshee
Dawgiisa qofkii gartiyo
darenkiisa kii yaqaan
dawoo hooy
dawo dawuu u yahay cishqigu