VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Fadumooy - Lyrics

Sida geed far caaniyo
faraqyada shabelliyo
faanfaan ka baxayoo
dhirta kale ka food dheer

Hoobaanta fooshoo
intuu fidiyay laamaha
Feeraha ku wada ubax
marka aan ku fiirshaan
farxad wada qaboobaa

kaalay faduma kaalay kaalay kaalay
cashaqa aan fulinee
kaalay faduma kaalay kaalay kaalay
waakaan soo fadkiciyee

Waxa dumarka farabadan
hablaha facaaga ah
firkaa kaaga doortoo
adiga igu kaa falay

Fahamkiyo waxgarashada
furfurnaanta gaarka ah
farxaanoo Ilaahbaa Ilaahbaa Ilaahba
xumaan kaa foogeeyee

Kaalay faduma kaalay kaalay kaalay
cashaqa aan fulinee
kaalay faduma kaalay kaalay kaalay
waakaan soo fadkiciye

Queue is empty
-- / --