Adigaa gardaran goor iyo walbee
cashaqii i galay kama gurayee
waan goomanoo adaa
geedigigii raree bal garoo
Geedka jacaylka gudinta ka daayoo
jiridda ha goyn
galadda dhexdenu ha ina wada gaadhee
geestaada haay
Waan goomanoo adaa
geedigigii raree bal garo
Gabar yahay dartaa waan golongolee
galawdiyo/garka iyo wadnaha gacalooy darteed
adeey kuu go'doo naftani
gooni ku tahee bal garoo
Geedka jacaylka gudinta ka daayoo
jiridda ha goyn
galadda dhexdenu ha ina wada gaadhee
geestaada haay
adeey kuu go'doo
naftani gooni ku tahee
bal garoo