Sida leyla iyo qeys
aan u laasimayoo
hurdo kaama ladoo
qalbigaad lulataa
Lama yeesho xiriir
dumirkii i lumiyoo
adigeey igu lamaan
adigeey igu lamaan
adigeey igu lamaan
Luqaantada iyo laafyahaaga
luquntaada iyo laafyahaaga
leeg leeg socodkaaga
ayaa i laabkiciyee
Sida leedha qaboow
iyo liiqa cadceed
laxawgeyga dareen
lubigaad kicisee
Liqi waayo cuntoo
cashaq bey luloo
laqanyaad noqotee
lanqayad noqotee
laqanyaad noqotee
Luqaantada iyo laafyahaaga
luquntaada iyo laafyahaaga
leeg leeg socodkaaga
ayaa i laabkiciyee
Waxa loolan jaceyl
dadku ay lagdamaan
hadaan leysla luleyn
mid unbaa lug go'ayee
Ha iga leexaninoo
ligliga aan qabanoo
liban aynu helnee
libin aynu helnee
libin aynu helnee
Luqaantada iyo laafyahaaga
luquntaada iyo laafyahaaga
leeg leeg socodkaaga
ayaa i laabkiciyee