Deggani waa loo dhashaa
Dabeecada fiican iyo
Dulqaadku sed weeyi aan
Dadku dhami wada naceyn

Muraayad la daawadiyo
inaad dun xariira tahay
Alleylahee daymadiyo
dareenka jaceylka sida
dushaa laga arkaa

dirkii Soomaaliyeeday
xumaanta tii laga daahayeey
Durbaaniyo aroos
Dalkeennii inooga tuma

dumarkaa xulashadood
darmaan xoolo laga baxshiyo
nal weeyi la daariyo
indhuhu ku daraan daraan

sidii malabkoo da'iyo
inaad dalag hooray tahay
alleylahee daacadiyo
damiirka xushoonayiyo
duxdaadaa laga gartaa

dirkii Soomaaliyeeday
xumaanta tii laga daahayeey
Durbaaniyo aroos
Dalkeennii inooga tuma

Exit mobile version