Heesta Sagal - Lyrics
sarajooga bilicdiyo
suuradaada quruxda le
rabibaa ku siiyoo
sikastoo laguu dayo
siyaadaad uleedahay
seexan weeyey awgaa
saqda dhexe habeenkii
la iikaa sawirayaa
sidaan ahayba mooyee
cishqi aan salguurayn
sagalay kalgacalbaan
kuu sidaa sagaley
samaantaada badaniyo
murtisoorka gobanimo
sanjibaad uleedahoo
soomaalaad ka dhalatoo
dhaqan saafiyaad leedahay
saablayda hoosiyo
sanbabada dhexdoodiyo
dhiigaygaad ku saaqdee
sidaan ahayba mooyee
cishqi aan salguurayn
sagalay cishqibaan
kuu sidaa sagaley