Heesta Xurmo - Lyrics
Xilahan jeclayey
xurmo aan dhamaaniyo
xil baad iga mudan tahee
Xamdi eebe weeye
mar hadaad xigaaliyo
xaas keyga noqotee
xaqiiqdii waxaa tahay
xuural ceynta dunidiyo
xafiddayee nafteydiyo
xaqa guurku leeyahay
xanaanadi nafteydaay
xaawaleyda oo idil
taan kasoo xushaay
xakiinkeen nacabkiyo
xumo kaa ilashiyo
xasheye kuma tuso
xaqiiqdi waxa tahay
xuuralceyntii dunidiye
xafidaye nafteydiyo
xaqa guurku leeyahay
xumo
Lyrics by: Najla cadey