Saan ugaabsanaayaan gaboobayoo
Gabdhahii iyo gayaankaygiii waan gafee
Ganba maayo god aan aakhiro aan galee
Naa inta aanan go’in ii gonaanidee

Hurdo ma gamcoo waan gobam leenayaa
Gudcur iyo hadaba waan ku goomayaa
Ganba maayo god aan aakhiro aan galee
Naa inta aanan go’in ii gonaanidee

Gabdhahii wadaan wada gooyayoo
Adigaa igubooo gooni kuu ahoo
Ganba maayo god aan aakhiro aan galee
Naa inta aanan go’in ii gonaanidee

Exit mobile version