VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habkusoo Dheh - Lyrics

qalbigaaga ho idhi kaygana ka soo helay hoodadii kalgacalkee hamuuntiisa waxaan qabay bilo iyo habenynee hurdo waayey awgaa halistiinii gaaree ma harsado daraadaa dhuunigiina hiifee ana hay hungeynoo hay heerin nacabkee walaal hayga hoos gelin hog galihii jacaylkee hab ku soo dheh caashaqa qalbigaaga hiif yidhi kaygana ka soo helay hebad yahow xumaantee hubsiimo hal siistaa nin ragihi habeyn yahow hubuq tidhi daluun dheer adigoo hadraayee hilbkaaga ha u dubin haw haliilin cunistoo hooy la halaanhal qayrkaa haween waayi mayside hore usoco nasiibkaa geyaankaaga waad heliyeey u hub qaado meel kale halis weeye caashaqu hooto waa ka daran yahay hadalna kaama yeeloo waa kii halyeeyadii hodan iyo cilmi dilay hillin waa halbawlaha igu habaya dhiigoo haamaha wadnaha iyo gaarsiinin hanaqee ana hay hungeynoo hay heerin nacabkee hadimadii jacaylku hadii ay ky hayso kaaga hiilin maayee hataq haysku tuurine ha ku dhicin haabaantee hindisaha ka saaroo hay hawaysan anigee haabashada tartiibsoo hedadana ha goynee ha is jararin halbawlee hareer iiga leexoo
Queue is empty
-- / --