VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adeer qoriga - Lyrics

Waa aniga kan dhimanaaya Waa aniga kan dhiig baxaya Adna dhaawac yeelkeede Xitaa dhiig makaa hooro Waa adiga kan dhuranaaya Waa adiga kan dheefsanaya Ana dharagta yeelkeede Xitaa dhuunta ima qoysid X2 Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin x2 Dhamacdiyo kulaylaha Xun Markay xabadu dhowkanto Waxaad tahay kan dhofaya Dhalaan kiisa raranaaya Dhul shisheeye geesanaya Anigana dhibtiyo howsha Qaxa dhabarka saaraaya Hooyadiina dhimanayso Aabihii dhadhaabaaya Walal kiisna dhiig baxayo Asna dhagaha beelaaya Dhugta iyo madaafiicda Waxaan ahay kan dhaka- faara x2 Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin x2 Dhawaqiyo rasaastaani Dheel dheel hadad modo Adeer adiga oon dhuuman Ader dhinac kasoo jeedso Dhibta kaalay ila qaybso Hadhakanine soo muuqo Dhaqaaliyo rasaas taada Adeer meel intaad dhigatid Dheeftiyo cuntada hayso Xoolo hayska soo dhiibin Qabka waan kuwada dhalanay dhan katihid qabiil kaane adeer Dhimo bal toogaaga x2 Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin x2 Qoraxdiyo dhalaal keeda Qof socdaa dhibsada Maalin ama dhado qabow badan Leh x2 Dadka aan ku dheel minayo Xabad aan kadaba dhownsho Dhulkoodii kasii qixiyo Aakhiraan la idhaafayne Ma'adaa dhabarka saaraaya Ilaah noo dhex mari doona X2 Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin x2 Dhib ma'arag caruurtaadu War hoy hoy daruus baad Uwada dhigatay war hoy hoy kuwo baa dhakhatiira Hoy hoy Kuwo baa Dhaqaaleestay hoy hoy Inay dhalasho been tahay Day ana waxaad bal Iidhiibtay x2 Iga daa ha iidhiibin adeer Qoriga ha iidhiibin x2
Queue is empty
-- / --