Heesta Gayaan - Lyrics
Maxaan gabi kadhacaayo
Gudcur roobablee
Guureeyay hawdkaa
Galawgiyo shimbiruhuna
Gacal ii noqdeenoo
Geedaha la kori jiray
Cilaygaan jeclaayeey
Gaaridii haweenkaay
Naftu tay uguuxdaay
Gayaaan garab ma waayine
Gasiinanad cuni karin
Gaajada ma bi'iyee
Gacantaada igu qabo
Maxaan gocasho reemoo
Geenyaha jaleeciyoo
Garabkayga kaa dayay
Anoo gogosha jiifana
Naasaha gunkoodiyo
Gaadada salaaxee
Markaan soo gadoomayo
Gudiinada aan kaa furay
Gegi maran ka toose