Heesta Sagal - Lyrics
Cirkoo sagalka jiilaal
Saymaha cad ceediyo
Samsam biya xarediyo
Soon iyo abaal laay
Taan sugayay waligay
Saluug laay ideeq daay
Seedihiyo halbowlaha
Kuwii dhiiga sidayee
Saarnaa wadnaha oo
Saarnaa wadnaha oo
Kalgacaylka sidaa
Kadaa
Sulekhaay jacaylkani
Waa mid igu sookobayo
Sambabadayda geeyee
Sikastaba layeelyay
Samir qaadan waayo
Jacayl iga sal weeyee
Seedihiyo halbowlaha
Kuwii dhiiga sidayee
Saarnaa wadnaha oo
Saarnaa wadnaha oo
Kalgacaylka sidaa
Kadaa