VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhool - Lyrics

dhamacdii jacaylkaa dharaarahan isidatoo wali dhoobay dheefto dhuunina ma qaate waxa walina ii dheer anoo dhowr iyo toban jira ciro iga dhalaasho duq dhamaaday la imoodo intu dhuuniga ii tagay ee dhuuxana guyaal galay dhaqaaqana talaabada kufin waayay gacantoo mala dhuuntay awgaa dholay waxaan ku sugayaa dharaartii qiyaame suurta ay dhawaaqde xaqna aan la dhaafayn sida dhool gu'yoo da'ay dhibicdiisu badatoo dhulka wada hadheeya nafta uga dhignaydee aduunyada dhibaatadu sidan kuma dhamaate qofna kama dhargaaye dhab u fiirso inanyahay axdigii dhaxdeeniyo wada dhalashadeeniyo marna maanad eeginee waa waxad ka dhurataan dholay waxaan ku sugayaa dharaartii qiyaame suurta ay dhawaaqde xaqna aan la dhaafayn
Queue is empty
-- / --