Heesta Maxaad dumarka dheertahay - Lyrics
Dheeh sheed ka muuqdiyo
In dheer wixii dhalaalaa
Dheeman maaha dahabee
Soomaalida kaligeed
Si aad kali ka dhalatoo
Quruxdana dhamaystahay
Dhulka adaa ka guuroo
Cirka sare isku dhaabee
Maxaad dumarka dheertahay
Dharab iyo ceeryaaniyo
In dheer dheelalada jiilaal
Dhibic maaha roobee
Dhalan habaabis mala
Inta biyo la moodoo
Usoo dhababa la yidhi