VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Siraadi caashaqa - Lyrics

Wali laylibaa tahay iyo Laan baxaysoo Ilbaxnimaa kuu haysoo Qeyrbaa ku sidatee 2× Wakhtigaaga luulkee Intaan waagu kaa lumin Mar kale jiyoo celi 2× Hadii kale lug iyo fara Labadaba ku duuloo Waabahaad ka lulataa 2× Wali liin baxdaa tahoo Iyoo kabi caleenloo Libaax nimaan ogaynba Lax ka rita sidaadee 2× Dhabanada labeenta leh Midkuu leefin fuuruhu Mar kaleetiyoo nabar 2× Hadii kale lug iyo fara Labadaba ku duuloo Waabahaad ka lulataa 2×
Queue is empty
-- / --