Wali laylibaa tahay iyo
Laan baxaysoo
Ilbaxnimaa kuu haysoo
Qeyrbaa ku sidatee

Wakhtigaaga luulkee
Intaan waagu kaa lumin
Mar kale jiyoo celi

Hadii kale lug iyo fara
Labadaba ku duuloo
Waabahaad ka lulataa

Wali liin baxdaa tahoo
Iyoo kabi caleenloo
Libaax nimaan ogaynba
Lax ka rita sidaadee

Dhabanada labeenta leh
Midkuu leefin fuuruhu
Mar kaleetiyoo nabar

Hadii kale lug iyo fara
Labadaba ku duuloo
Waabahaad ka lulataa

Exit mobile version